Baarlamaanka Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiskii maalgashiga dekedda Berbera ee DP World.
Golaha waxaa maanta soo xaadiray xubno gaaraya illaa 74 xunbood, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Cabdiraxmaan Cirro, ajandaha horyaallay xubnaha waxa uu ahaa u codeynta heshiiska DP world.
Markii uu kulanku furmay kooramkiina uu dhameystirmay ayaa waxaa la gudo galay ajandaha, waxaana billowday codbixintii oo u dhacday qaab gacan taag ah.




From the comments