Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo ka tirsan Baarlamaanka federaalka ayaa ka hadlay habka xulista cusub ee aqalka hoose iyo aqalka sare oo dhismahooda lagu howlan yahay.
Xildhibaanka oo si gaar ah ula hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in caqabado ay soo ifbaxeen kuwaas oo ay kamid yihiin in siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada doonaya inay musharrax u noqdaan aqalka hoose ama aqalka sare in lagu xujeeyay dhaqaale.
Wuxuu sheegay xildhibaanku in ay la qaldan tahay qaadista lacagtaas islamarkaana madaxda dowladda federaalka looga baahan yahay in lacagtaas la joojiyo ama wax laga dhimo.




From the comments