Xildhibaannada Beelaha Waqooyi Oo Dalbaday In Mar Kale Dib Loogu Laabto Aqalka Sare
Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ee ka soo jeeda gobollada waqooyi ayaa mar kale ku celiyay in ay saluugsan yihiin qoondada aqalka sare ee laga siiyay beelaha gobollada waqooyi.
Xildhibaannada kala ah Xuseen Carab Ciise iyo Axmed Dhimbil Rooble ayaa wareysiyo gaar ah oo ay siiyeen Goobjoog News kaga hadlay sababta ay u diidan yihiin qoondada ay ka helaan.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo kamid ah baarlamaanka federaalka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa sheegay in dhibaato waligeed aan la xalin Karin ay ka dhalan karto haddii aan dib loogu laaban aqalka sare.
Waxa uu sheegay in si saxan aan loo marin habka loo dhisayo aqalka sare ee baarlamaanka oo cabasho ay ka taagan tahay.
“Haddaan dib loogu laaban sida loo qeybiyay aqalka sare waxaa ka dhalan karta caqabad aan waligeed la xalin Karin sababtoo ah waxaa la rabaa cadaalad dadkaan waa walaalo yaan la kala fogeynin” ayuu yiri xildhibaanka.
Dhanka kale xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble sheegay in ay u muhiim tahay in la eego goballada waqooyi isagoo tilmaamay in shan gobal ay leeyihiin waxna loogu xisaabiyo.
“Waxaan leenahay cadaaladda hala eego, tirada dadka gobollada waqooyi waa shan gobol sidaa darteedna hal gobol lama ag dhigi karo, waxaan tirsanaynaa cadaalad darro weeye” ayuu yiri xildhibaan Rooble.
Marka laga soo tago cabashada ay qabaan xildhibaannadani beelaha waqooyi ka soo jeeda waxaa sidoo kale jira maamul goboleedyo iyo beelo kale oo iyana weli ka tirsanaya cadaalad darro dhismaha aqalka sare.
Goobjoog News