Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dastuurkii qaranka uu hadda magiciisii oo kaliya taagan yahay, iyadoo aaney jirin cid ku dhaqanta, waxa uuna ku eedeeyay madaxda Soomaalida iney go’aanka ku gaaraan talo iyo ra’yigooda gaarka ah oo wax sharci ah aan ku saleysneyn.
Xildhibaanka oo aan wareysi kala yeelannay war-murtiyeedkii shirkii madasha ee dhawaan ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho iyo qodobka muranka dhaliyay ee aqalka sare ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxda shirka madashu ay hareer mareen dastuurka dalka cid hadda ku dhaqanta Datuukana aney jirin.
“Dastuurka hadda magaciisa ayuunbaa la sheegayaa mooyaane waxaad la socotaa in baryahan dambe aan dastuurka la isticmaalin.Dastuurku in kastoo aanuu aayad qur’aan oo aanuu ahayn waxyi Illaahay xaggiisa ka yimid, hadana waa wax ay dadka Soomaalidu sameysteen oo ay iney ku dhaqmaan u sameysteen, dowladda hadda maanta dhisanna ay kusoo dhisantay, isagii ayaad mooddaa in gabi ahaantiiba la laabay oo cid ku shaqeysaaba aaney jirin, dastuurna lama raacin. Haddii dastuurka la raaci lahaa wax unbay ahaan lahayd, waxay wax ku xalliyaan aniga sidaas ayay ila tahay(ra’yi).”, ayuu yiri xildhibaan Cabdisamad




From the comments