U bood dhigaalka

Waxgaradka Hiiraan Iyo Shabellaha Dhexe Oo Ku Heshiiyey Tirada Kuraasta Baarlamaanka Maamulka Cusub

Sheeko:War

Ergada ka qeybgaleysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabellaha dhexe ayaa maanta ku heshiiyey tirada kuraasta baarlamaanka lasoo dhisayo ee maamulkaasi yeelanayo.

Waxay ergada ku heshiiyeen in kuraasta baarlamaanka cusub ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe noqdaan 71 kursi.

Sidoo kale waxay ergadan ku heshiiyeen qaab qeybsiga Kurastaasi ee beelaha deggan Labada Gobol.

Yaxye Cali Ibraahim, xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha oo hadal ka jeediyey kulanka waxgaradkan ay kusoo bandhigayeen heshiiska ay ka gaareen baarlamaanka ayaa bogaadiyey howsha ay waxgaradkani qabteen.

Waxa uu Yaxye sheegay in hadda la guda geli doono howlihii kale ee ergada, islamarkaana qorshaha uu yahay in Madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha dhexe la doorto 3 bisha October.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan dib u furay shirka Jowhar, iyadoo ay jiraan beello kasoo horjeeda shirkan oo ku sugan gobolka Hiiraan.

Goobjoog News