Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ku eedeeyay dowladda Keyna iney doonayso badda yar oo ay haysato iney ka ballaarsato Soomaaliya .
Xildhibaanka oo aan la yeellanay wareysi dhinacyo badan taabanaya ayaa si adag uga hadlay dacwadda dhanka badda ee ka socda maxkamadda Caalaamiga ah ee ICJ, isagoo dalka Kenya ku tilmaamay mid damacsan in uu ka faa’idaysto xaaladda Soomaaliya si uu u boobo kheyraadka badda ee Soomaaliya;
“Soomaaliya maadaama dalkeeda burbur xoog leh uu soo galay, dowladeedii burburtay, waxay noqontay in xuduudaheedii iyo badaheedii uu hunguri kasoo galo dowlado badan, si kumeel gaar ah uga faa’ideysata oo ka kalluumeysata oo wixii ay ka qaadan karto ka qaadato iyo qadiyadaan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya oo sida la wada ogsoonyahay dowladda Kenya iyadoo ka faa’ideysaneysa xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay iyadoo ka faa’ideysaneysa awoodda Milatari ee ay Soomaaliya Soo galisay, iyadoo badeeda yar damacday maadaama ay Soomaaliya bad weyn haysto itaalkeeduna uu yaryahay iney qeyb weyn oo qani ku ah waxyaabaha badda laga helo, batrool iyo gaas waxay doonaan ha noqdeen bay ku dhaqaaqday iney sasabato madaxdii Soomaalida ahaa iyadoo rabtay iney ka gaarsiiso inta aaney dhismin dowlad xoogleh oo Soomaaliyeed iney baddaas kheyraad ka qodoto isla markaasna ay heshiisyo ama waxa lagu tilmaamay is faham la saxiixatay dowaldihii Kumeel gaarka ahaa oo sida la ogyahay aan ahay dowlad buuxda aan ahayn oo aan xaq u lahayn arrimaha waaweyn ee Soomaaliya iney go’aan ka gaarto iyadoo mataleysa ummadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri xildhibaan Shariif.




From the comments