Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO ayaa xaqiijayay in loo baahan yahay 69 Milayn oo macallin oo dheeraad ah si loo helo waxbarashada aasaasiga ah iyo tan dugsiyada sare oo tayo fiican dunida oo dhan marka la gaaro sanadka 2030 oo ah xilliga ugu dambeeya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u qabtay si loo gaaro bar tilmaameedka ah horumar waara oo joogta ah.
War qoraal ah oo maalinimadii shalay ka soo baxay UNESCO laguna soo beegay maalinta Caalamiga ah ee macallinka, oo , ayaa lagu faahfaahiyay in baahi weyn loo qabo 24.4 milyan oo macallin oo wax ka dhiga waxbarashada aasaasiga ah iyo 44.4 milyan oo macllin oo iyagu wax ka dhiga dugisyada sare 14sanno ee soo aaddan.
Ururku waxa uu tilmaamay in wadamada ku yaalla sub-Sahara Afrika ay ka jirto macallin yarida ugu daran isla markaana loo baahan yahay 17 milyan oo macallin iskuulaadka aasaasiga ah iyo kuwa sare si loo gaaro hiigsiga horumarka ee 2030-ka.sidaas oo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in tirada ardaydu ay sii kordheyso si dhakhso ah, halka uu sheegayo machadka UNESCO u qaabilsan tirakoob in 70% dooladaha sub-Sahara u baahan yihiin macallinmiinta waxbarashada aasaasiga ah, halka 90% ay u baahan yihiin macallimiin wax ka dhiga dugsiyada sare.




From the comments