Culumo saynisyahanno Mareykan ah ayaa ku dhawaaqay iney u suurtogashay xallinta hal-xiraalaha Saddex Xagalka Bermuda oo horey logu wareersanaa sababta ay diyaaruhu ugu dul dhacaan maraakiibtuna ugu halliganto.
Culumadan ayaa sheegay iney Saddex Xagalka ku arkeen ceeryaamo sameynaysa dabayllo xawaareheedu gaarayo 106 KM/Saacaddii, taas oo loo yaqaanno “air bombs” bambooyinka haweed sababaya in maraakiibtu quusaan diyaaraduhuna ay soo dhacaan.
Saddex xagalka Bermuda ayaa ku yaalla aagga xuduudda labada gobol ee Florida iyo gobolka Puerto Rico, waxayna soo caanbaxday markii ugu horreysay sanadkii 1950, kadib markii jariidada Associated Press lagu soo daabacay maqaal uu qoray Edward Van Winkel Jones; kaas oo lagu sheegay in la waayay diyaaradda tirada duulimaadkeedu ahaa No.19, kadibna wararkii ayaa si xiriir ah iskaga soo daba dhacay in diyaarado iyo maraakiib aan lahayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, wixii markaa ka dambeeyay aad la isku weydiinayay hal-xiraalaha ku duugan Saddex Xagalka Bermuda.




From the comments