3500 Oo Rayid Ah Ayaa Maalin Walba Ka Baxsado Dagaallada Koofurta Suudaan, Q.M
Qaramada Midoobay oo ka digtahy iney sii socdaan holwlaha barakaca ah ee ka socda wadanka Suudaanta koonfureed xilli ay kumanaan ruux ay halkaasi iskaga hayaamayaan iyagoo dadkaasi ay uqaxayaan wadamada deriska ah.
Afhayeen u haladay Hey’dda qaramada midoobay ee arrimaha qaxootiga oo lagu magacaabo IStiviil Dogiriik ayaa sheegay in warsaxaafadeed ay soo saaratay qaramada midoobay lagu sheegay in 3500 oo qof ku dhawaad ay ka qaxeen wadanka Suudaanta koonfureed .
Warsaxaafadeedka ay soo saartay qaramada midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka ka cararaayo ama ka qaxaayo wadnaka Suudaanta koonfureed ay u badanyihiin haween iyo caruurta da,doodu u dhaxeyso 9, 10 sano iyadoo Hey’adda qaramada midoobay ee arrimaha qoxtiga ay dadaal badani ay ku bixineyso sidii dadkaasi loogu heli lahaa ammni iyo kaalmooyin bani aadanimo.
Dhanka kale mas’uul sare oo ka tirsan Qaramada midoobay oo warbaahinta kula hadlay xarunata Qaramada midoobay ee Neyork ayaa sheegay in qarmada midoobay ay ka walwalsantahy arrinta nabad galyada Afahayeenkii kooxaha mucaaradka suudaan ninka lagu magacaabo JEmis oo dhawaan lagu xiray suudaanta koonfureed
Dagaalka wadanka suudaan koonfureed oo udhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha mucaaradka ayaa bilowday bartamihii bishii December sanadii 2013 iyadoo ka dib ay iskaga baxeen qaar ka tirsan hogaamiyaasha mucaaradka ka hor inta aan la saxiixin heshiiskii u dhaxeeyey kooxaha dirirtu u dhaxeyso bishii Ougest 2015 markaas oo lagu heshiiyey in la dhiso dowlad midnimo qaran.
Balse 8dii julay ayaa waxaa dhacay iska horimaadyo udhaxeeya labada dhinac taasoo keentay in ka badan dhimashada 200 oo qof iyo barakicinta 36kun oo qof oo kale kuwaas oo u qaxay xarumo ay qaramada midoobay ay usameysay.
Goobjoog News