U bood dhigaalka

Donald Trump Oo Ballan-qaadey In 3 Milyan Uu Masaafurin Doono

Dad badan oo Donald Trump ka sugayey in ballamahiisa uu ka soo baxo ayaa ku farxay ballanqaadka madaxweynaha la doortay uu ku sheegay in 3 Milyan uu dalkaas ka masaafurin doono, darbigana uu dhisi doono.

Madaxweynaha Mareykanka Dolland Trump ayaa sheegay inuu ka dhabeyn doono balan-qaadkiisii ahaa inuu soo musaafirn doono dadka sida sharci darrada ah ku joogo dalka Mareykanka.

Wareysi uu siiyey TV-ga  CBS barnaamijka “60M”  ayaa madaxweynaha la doortay ee Trump waxa uu hoosta ka xariiqey inuu wadanka ka soo musaafirin doono malaayiin qof oo si sharci darro ah ku joogo wadanka mareykanka.

Mr. Trump  ayaa waxa uu sheegay in dadka loo raafoyo ay gaarayaan tiro ahaan 2-3  milyan kuwaas oo sida uu sheegay iney wadanka si sharci darro ay ku joogaan .

Madaxweynaha lo doortay ee Mareykanka ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa in  wadanka ka burin doonaa dadka danbiiliyaasha ah iyo ka ganacsda waxyaaba maanka dooriya  iyo cid waliba oo si sharci darro ah ku soo gashay dalkaani,,.

Madaxweyne  Trump  ayaa asaga waxa uu balan qaaday inuu arrintaan dhaqan galin doono maalmaha ugu horreeya oo uu la wareego talada dalka .

Horey ayaa waxa uu ubalan qaaday haddii uu ku guuleysto talada wadanka inuu soo tarxiili doono dada sida sharci darrada ah ee ku joogo dalka mareykanka.

11 Milyan oo sharci darro ayaa ku sugan dalka Mareykanka, intooda badan caruurtooda waa Mareykan, waxaa laga yaabaa in iyaga iyo caruurtooda la kala wado.