Mas’uul sare oo u qaabilsan ururka Xamaas arrimaha dibadda oo lagu magaacabo Usaama Xamaada ayaa ugu baaqay dhamaan shacuubta ku nool qaaradda Afrika kacdoonka dhan ah Yahuuda si loo hakiyo galitaanka Yuhuudda ee qaaradda.
Mr Usaama oo hadal ka jeedinaayey shir looga hadlaayey arrimaha Qudus kaas oo ka dhacay caasimadda dalka Mauritania ee Nouakchott ayaa waxa uu sheegay in Yahuuda ay bilowday iney xariir la yeelato wadamada qaaradda Afrika loogana baahanyah shacuubta ku dhex nool qaaradda iney ka hortagaan arrinkaasi asigoo arrinkaasi ka hadlaayo ayaa waxa uu yiri .
“Yahuuda waxay safar indheyn indheyn ah ay ku tageen wadamo ka mida qaarada Africa, waxaa waajib ku ah shacuubta dagan qaarada kacdoon ka dhan ah Yahuuda oo iyagu aan dal leyhan ayuu yiri”




From the comments