Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo kamid ah xildhibaannada aqalka hoose ee dhowaan lasoo doortey ayaa ku baaqey in wada hadal dadbadan lala furo Xarakada Al-shabaab.
Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in si loo helo nabad ay haboon tahay in qaab aan toos ahayn loola hadlo Al-shabaab, iyadoo loo marayo Odoyaal dhaqameed iyo wixii lamid ah.
“Waxaa haboon in lagu dayo Al-shabaab in wada hadal iyo waan waan dadban lala galo haddii tan tooska ah ay adag tahay, iyagana ay ogaadaan dowladdana ay qaadato, hoggaamiye dhaqameedyadana ka howlgalaan baa loo baahan yahay” ayuu yiri Xildhibaanka.




From the comments