Goobjoog

Baarlamaanka 10-aad Oo Maanta u Ballansan Kulankoodii Labaad

Baarlamaanka 10-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa iney maanta yeeshaan kulankoodii Labaad ee kalfadhiga Koowaad ee baarlamaanka. Kulankan ayaa ajendaha xubnaha horyaalla uu yahay Labo arrimood oo kala…

Baarlamaanka 10-aad Oo Maanta u Ballansan Kulankoodii Labaad

Baarlamaanka 10-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa iney maanta yeeshaan kulankoodii Labaad ee kalfadhiga Koowaad ee baarlamaanka.

Kulankan ayaa ajendaha xubnaha horyaalla uu yahay Labo arrimood oo kala ah: magacaabista guddiga doorasho ee guddoonka baarlamaanka iyo dib u eegis  lagu sameynayo lacagaha mushrraxiinta guddoonka baarlamaanka, waana sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre.

Madasha Hoggaanka Qaran ayaa horey u qorsheysay in murashax walba oo u tartamaya guddoomiyaha baarlamaanka uu bixiya $15,000 (Shan iyo Tobon Kun oo dollar) halka Ku Xigeennadu ay bixinayaan $ 10,000 curraar ah oo aan dib loo celineyn, laguna shubayo xisaabta socota ee baarlamaanka ku leeyahay Bankiga dhexe.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments