Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo weheliyaan xubno ka tirsan Aqalka sare ayaa kormeer ku tagey xafiisyo cusub oo loo diyaariyey in ay ku shaqeeyaan Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Waxana ay kormeer ku tageen qaybaha kala duwan ee ka kooban yahay dhismaha oo isgu jira Xafiisyo iyo Hoolka Shirarka.
Dhismahan ayaa waxa uu ku yaalaa degmada Shibis, waxana dhisay Dawladda Turkiga, iyadoo loo qorsheeyey in uu noqdo xarunta ay ku shiri doonaan Aqalka ee Soomaaliya kuwaas oo horey dalkeena uga jirin.
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid ayaa uga mahadceliyey dawladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida wanaagsan ee mar waliba ay u garab taagan tahay Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuna tilmaamay in dhismahani uu dabooli doono baahidii loo qabay xarun ay ku shaqeeyaan Aqalka Sare ee Soomaaliya.





From the comments