Hay’adda Shidaalka qaranka ee dalka Liibiya ayaa sheegtey in wax soo saarka shidaalka ceyriinka ah ee dalkaasi uu gaaray 622,000 oo fuusto maalitiiba.
Heerkan waxaa loo arkaa mid aad uga sareeyay marka loo fiiriyo bilihii ugu danbeeyay, waxaana arintan ay ka danbeysay kadib markii koox kamid ah kooxaha Liibiya ka dagaalama ay ogolaatay in dib loo howlgeliyo qaar kamid ah dhuumaha shidaalka ee dalkaasi oo xernaa sanado badan.
Kahor inta aan la furin dhuumaha shidaalka, wax soo saarka shidaalka dalkaasi waxa uu ahaa 600,000 oo fuusto maalintii.




From the comments