Waxaa hadda ka bilaabatay xarunta Golaha Shacabka doorashadii Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, taas oo lagu dooran doono guddoomiye ku xigeentka 1aad iyo 2-aad ee baarlmaanka.
Si habsami leh waxaa uga socday xarunta baarlmaanka federaalka Soomaaliya doorashadii Guddoonka baarlamaanka iyadoo maant la filayo iney soo dhameystirmaan guddoonka Golaha Shacabka oo ku xigeenka 1aad iyo 2aad la doorto.
Doorashada guddoomiyeyaasha labada aqal iyo ku xigeennadiisa waa in loo maraa; Guddoomiyaha iyo ku xigeennada rasmiga ah waxaa lagu dooranayaa ugu yaraan aqlabiyad tirada guud ee xubnaha aqal walba (50%+1) oo codeyn qarsoodi ah, qofkii wareegga koowaad ee doorashad hela 139 waxa uu si toos ugu guuleysanayaa doorashada oo wareegyo kale looma baahnaan doono, haddiise uu codku intaa ka yaraado waxaa la gaaray ilaa wareegga ugu dambeeya oo cod hal dheeri ah labada qof ee isku soo hartaa ku kala baxayso.




From the comments