Guddiga doorashooyinka dadban ee Heer federaal ayaa xaruntooda Hotel Peace ee magaalada Muqdisho kula kulmey guddoonka cusub ee Golaha Shacabka
Guddiga ayaa guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaaro iyo ku-xigeenkiisa koobaad Cabdiwli Muudeey iyo Ku-xigeenka labaad Macad Cawad kala hadley xaaladda doorashada iyo dhameystirka xubnaha kuraasta harsan oo lagu sheegay 14 kursi.
Guddiga doorashooyinka heer federaal oo uu hoggaaminayo Abuukaate Cumar Maxamud cabdulle ayaa guddoonka baarlamaanka u faahfaahiyay halka ay mareyso doorashada iyo sida loo dhameystirayo doorashada oo la sheegei in ay ka harsan yihiin 9xubnood aqalka hoose ah iyo 5 aqalka sare ah., waxaa kaloo lagu heshiiyay in qaab kale loo maareeyo 5tii kursi ee lagu muransanaa







From the comments