Manta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu doorto guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo la dooran doono guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa Koowaad iyo Labaad.
Sida ku xusan jadwalka doorashada waxaa la dooran doonaa marka hore guddoomiyaha aqalka sare oo ay u taagan yihiin 2 musharrax, waxaa xigi doona doorashada Labada ku xigeen.
Xilka guddoomiyaha waxaa u taagan Labo Musharrax, ku xigeenka Koowaad waxaa u taagan 7 musharrax, halka ku xigeenka Labaad ay u taagan yihiin 7 musharrax, waxaana wadarta guud ee musharraxiinta guddoonka baarlamaanka gaarayaan 16 musharrax.




From the comments