Kulan wadajir ah oo ay yeesheen Labada Aqal ee baarlamaanka Somaliland ayaa lagu meelmariyay heshiis saldhig milatari loogu ogolaanayo dalka Imaaraadka Carabta inuu ka sameyso magaalada Berbera.
Kulankan wadajir ah ee Labada Gole ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada oo u ol’oleynayay in heshiiskan la meelmariyo.
Xildhibaannada kulankan ka soo qeybgalay ayaa gaaraya illaa 151 xubnood, cod heshiiskan la geliyaya ayaa waxaa ogolaatay in heshiiska la meelmariyo 144 xildhibaan, halka uu diiday Hal xildhibaan, waxaana ka aamusay 5 xildhibaan.




From the comments