Arday dhigta iskuul ku yaalla dalka Ingiriiska ayaa helay khalad ka dhacay khubarada wakaaladda Cirbixiyeennada Mareykanka ee NASA, kaas oo ku saabsanaa akhrinta jadwalka saldhigga NASA ee lagala socdo hawada sare.
BBC ayaa sheegtay in Mills Solomon oo 17 jir ah uu ka qeybgalay barnaamij “TimPix” oo ka mid ah barnaamijyada iskuulka, kaas oo ay ardaydu uga doodaan macluumaadka laga helo saldhigga NASA iyo saldhigyada kale ee caalamiga ah ee dhanka hawada sare, ardaygan oo helay Jadwalka macluumaadka ee akhrinta hawada sare ee NASA ayaa soo saaray khalad ka dhacay khubarada NASA.
Ardaygan ayaa ka helay jadwalka akhrinta shucaaca hawada sare lagala socdo (-1) uu ku jiro tiradii gudaha jadwalka, macallinkiisii ayuuna arrinkan la wadaagay oo uu tusay.




From the comments