Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa waxa uu sheegay in Maraykanka uu xal u heli doono dhibaatada dhanka hubka Nukleerka, kaasi oo ay isticmaasho Kuuriyada waqooyi isagoo tilmaamay in arintaasi uu la kaashan doono dowladda China .
Madaxweyne Turmp ayaa waxa uu sheegay hadaysan ka qeyb qaadan dowladda Shiinaha sidii xal loogu heli lahaa Nukleerka ay isticmaasho kuuriyada waqooyi, ayaa waxa uu sheegay in asaga uu ka shaqeyn doono arrintaasi sidii xal loogu heli lahaa.
Hadalka Donald Trump ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli madaxweynaha waddanka Shiinaha lagu wado inuu booqasho rasmi ah uu ku tago waddanka Maraykanka todobaadka soo socda.




From the comments