Ugu yaraan 126 qof ayaa ku dhimatay oo 68 ay yihiin caruur baabuur basas ah oo waday dad laga daad gureynaayay xaafado kamida galbeedka mgaalalda Xalab ee waddanka Syria sida uu sheegay ururka Al-marsad oo u ololeeyo xaquuqda mucaaradka Syria.
Ururka ayaa sheegay in ku dhawaad laga daad gureeyay 109 qof kuwaas oo ku noolaa goobaha ay dowladda ay gacanta ku hayso balse dadkaan ayaa markii la daad gureynaayay waxaa lala beegsaday qaraxyo.
Ilaa iyo hadda qaraxyada lala beegsaday dadkaan mas’uuliyadeeda cidna ma sheegan,kaasi oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.




From the comments