Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay tobaneeyo kalana waxaa ka soo gaaray dhaawacyo ka dib markii ay duqeyn ka geesteen diyaaradaha isbahaysiga caalamiga magaalda Derizuur oo ku taallo bariga waddanka Syria.
Sidoo kale diyaaradaha dagaalka oo ay leeyihiin Syria iyo Ruushka ayaa waxay duqeymo ka geesteen magaalooyinka Xalab, Xumaat, Dimishiq iyo magaalada Darca.
Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha lala beegsaday guryo ay daganyihiin dad shacab taasi oo keentay inay dhintaan ugu yaraan 15 qof halka dhaawacana uu gaarayo tobaneeyo kale.




From the comments