Isbahaysiga carabta oo uu hogaaminayo Sacuudi Carabiya ayaa waxa uu sheegay in 12 askari oo u dhashay waddanka Sacuudi Carabiya ay dhinteen ka dib markii ay diyaarad ciidan ay kula burburtay waddanka Yeman, ciidamada dhintay waxaa ku jira saraakiil waaweyn.
Ururka isbahaysiga waxa ay sheegeen in diyaaradda burburtay ay tahay nuuca UH-60 Black laguna sameeyay waddanka Maraykanka, diyaaraddan ayaa waxay ku burburtay gobolka Ma’rib ee bariga caasimadda Yeman ee Sanca.
Kooxda Xowthiyiinta ah ee ka dagaalanta waddanka Yeman ayaa bishii la soo dhaafay waxay sheegteen inay soo rideen diyaarad dagaal oo uu leeyahy Sacuudiga taasi oo ay ku soo rideen meel u dhow dekadda Al-xadiid ee saaran badda cas.




From the comments