Weerar gaadmo ah oo ka dhacay gobolka Al-ambaar ayaa waxaa lagu dilay 10 ka tirsan ciidamada ammaanka waddanka Ciraaq, halka weerarkaas lagu dhaawacay 20 kale weerarkaan ayaa waxaa geestay ururka Daacish oo iyagu dagaal kula jira dowladda Ciraaq.
Weerarkaan ayaa waxa uu dhacay Magaalada Rudbah ee ku taallo gobolka Al-ambaar taasi 390 KM u jirta magaalada Baqdaad ee caasimadda waddankaasi.
Weerarkaan ay Daacish geesatay ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli ay iidamada Ciraaq ay wajahayaan dagaal ay kula jiraan Daacishkaasi oo ay doonayaan inay kaga saaraan magaalada Mowsil oo inta badan saldhig u ah Daacish.




From the comments