Xildhibaaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya ineysan dhanna la safan dowladaha Sacuudiga iyo Qatar oo dhowaan xumaaday xiriirkii ka dhaxeeyay.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Soomaaliya markaan laga doonayo oo kaliya iney ku biirto kaliya dalalka taageeraya in gogol wadahadal ah loo furo Labada dhinac bedalkii ay taageeri lahayd mid kamid ah dalalkaasi.
“Soomaaliya Labada dal xiriir wanaagsan ayeey la leedahay, waxaana naga dhaxeeya Jaamacadda carabta, Labada dowladoodna culeys siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid ummadeed waa ay nagala dhaxeeyaan, Sacuudiga iyo Qatar mashaariic bay doonayaan in Soomaaliya ay ka fuliyaan, wixii ay qabteenna waa la ogyahay, Labada dal safaarado ayeey dalka ku leeyihiin, walibana Qatar Km-4 ayeey safaaraddooda ku taallaa si ay nala wadaagaan waxa dalka ka jira, xiriirkeennana aad buu u wanaagsan yahay, marka arrimahan inaan annaga ku degdegin oo aan shaqo ku yeelan, ka fiirsanno oo Labada dhinac dhex dhexaad ka ahaanno ayaa loo baahan yahay” ayuu yiri Xildhibaanka.




From the comments