Inbadan oo ka mid ah ardayda barata physics-ka iyo xisaabta ayaa u baahan iney si joogta ah ula falgalaan astaamaha xisaabeed ee kala duwan, xilli kastana qoraal uga baahan marka ay warbixinno sameynayaan amaba waajibaad loo diray dhanka computerka uga jawaabayaan.
Iyadoo ay jirto in barnaamijyada qaar sida Office oo kale laga heli karo dhammaan astaamaha xisaabeed, ayaa laakiin sidii loo baahnaa aaney marnaba ahayn, iyadoo wakhti farabadan u baahan inaad ku bixiso marka aad wax ku qoreyso.
Adeegga Paperspade waxa uu ardayga u sahlayaa qoraalka astaamaha xisaabeed iyadoo ardayga looga baahan yahay oo qura inuu luqadda English-ka oo kaliya uu ku qor, kadibna si otomatic ah ayay u soo baxaysaa astaantii xisaabeed ee uu u baahnaa.




From the comments