Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 1000 arday oo ka mid ah ardaydii sanadkaan ka qalinjabiyay dugsiyada sare ee dalka siinaysa waxbarasho jaamacadeed oo lacag la’aan ah.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Axaddii xarunta jaamacadda Gahayr kana qeybgalay kulan ka dhacay gudaha jaamacadda oo ay iskugu yimaaddeen guddiga sare ee jaamacadda oo uu madax u yahay Isla madaxweynaha ayna ka tirsan yihiin qaar ka mid ah golaha wasiirrada dowladdaFedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Jaamacadda, waana sida aan ka soo xigannay warbaahinta Dowladda.
Booqashada iyo kormeerka jaamacadda ka dib ayaa Madaxweyne Farmaajo uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in sanadkan ay waxbarasho lacag la’aan ah ay heli doonaan arday gaaraysa 1000, kana faa’ideysan doonaan xarunta Gahayr, isagoo dhanka kalena tilmaamay in ay ka go’an tahay dhismaha Gahayr oo ah xarunta ugu weyn ee jaamacadda Ummadda.




From the comments