Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyip Erdogan iyo amiirka Kuwait Sheikh Sabaax Al-Axmed Al-Jaabir ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah iyo waxyaabaha ka soo cusboonaaday gobolka Khaliijka.
Wakaaladda wararka ee Kuwait ayaa sheegtay in labada mas’uul ay soo bandhigeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Turkiga iyo Kuwait iyo sidii loo horumarin adeegyada ay labada shacab ay dan ugu jirto.
Socdaalka madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa ku wehliya qaar ka tirsan wasiirada dowladdiisa oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka ganacsiga.




From the comments