Senator Cabdi Raxmaan Faroole ayaa ka soo horjeeystay hadal dhawaan ka soo yeeray maamulka Puntland kaasi oo ah in dastuurka maamulkaasi wax laga badalo.
Senotarka ayaa sheegay in ay been tahay hadal dhawaan ka soo yeeray wasiirka howlaha guud ee maamulka Puntland Cabdi Rashiid Maxamed Xirsi oo horay u sheegay in wax ka badal lagu sameynayo dastuurka maamulkaas.
Faroole ayaa hoosta ka xariiqay in dastuurka Puntland aan waligiis waxba laga badaleyn isaga oo ugu baaqay madaxda Puntland in ay ka waantoobaan dibin daabyo ay ku sameeyaan sharciga.




From the comments