Daraasad cusub oo caalami ah oo maanta soo baxday ayaa sheegaysa in dadka maalintii 30-daqiiqo jimicsi sameeyaa muddo 5 maalmood ah Isbuucii ay koobayso khatarta geerida degdegga ah iyo cudurada wadnaha.
Daraasaddan oo soo baxday maanta oo Jimce ah lagu faafiyay Lancet medical journal, ayaa waxaa ka qeybgalay 130 kun oo qof oo ka kala tirsan 17 dowladood oo ka kooban dowlado qani ah iyo kuwo kale oo faqiir ah, shaqada jirka laga qabtaa waxay kordhisaa cimiriga qofka, cudurada wadnahana way xadiddaa, qof ha tago goobaha lagu jimicsdo sida gym-ka ama yaanuu tagin, shaqada marka uu aadayo ha u socodo, howsha guriga ha qabto, sida; inuu dharkiisa dhaqdo ama beerta guriga ku taalla uu waraabiyo.
Cilmibaarayaasha oo uu hoggaaminayay Scott Lear oo ah dhakhtar cudurada wadnaha oo ka tirsan cosbitaalka St. Paul’s Hospital ee dalka Canada ayaa yiri, mudada uu aadanuhu jirka ka shaqeeyaa waxay saameyn ku leedahay noloshiisa, oo markasta oo uu waxqabto waxaa sii yaraaneysa khatarta cudurada wadnaha iney ku dhacaan amaba inuu xilli hore geeriyoodo, “Ma jirto khatar kaa soo gaareysa marka uu jirkaagu shaqo badan qabto”, waxana daraasadda lagu sheegay in 41-saacadood oo jimicsi ah ama shaqo kale oo gacanta laga qabta ah ay qofka ku filan tahay Isbuucii.




From the comments