Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Muudey oo maanta shir guddoominayey kulanka golaha shacabka ayaa sheegay in uu qabtay mooshin la xiriira ammaanka dalka kaasi oo ay soo gudbiyeen qaar ka tirsan Xildhibaannada golaha shacabka.
Mr. Cabdiweli Sheekh Muudey ayaa intaasi raaciyay in guddiga amniga golaha shacabka iyo guddoonka ay soo diyaarin-doonaan ajendaha iyo qaab doodda loo guda-geli-doono kadibna ay kula soo laaban-doonaan aqalka.
Dhinaca kale, Wasiirka Batroolka & Macdanta Xil. Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa golaha shacabka waxaa uu u akhriyay hindise sharciyeedka Petroolka.




From the comments