Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha ka tirsan aqalka sare ee baarlmaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay iney jirto habacsanaan dhanka ammaanka ah.
Waxa uu sheegay in loo baahnaa in lala yimaado isla xisaabtan dhab ah, wixii ka dambeeyay qaraxii Zoobe ka dhacay 14-kii bishan.
“Dhimashada, dhaawaca iyo dhibaatada soo noqnoqotay waxaan rajeynayaa in umadda Soomaaliyeed uu ilaahey ka qaado marka ay sidaas wax u dhacaan waa in la qaato mas’uuliyaddii aheyd in la isla xisaabtamo, caqliga saliimka ah iyo midka waayo-aragnimada Soomaaliya waxa ay sheegeysaa in sida ay wax u socdaan aysan sax ahayn, Afar iyo Tobankii October Hal maalin ayaa dhimatay dhowr Boqol, waxaa ku xigay Lafoole oo ciidamada AMISOM ay laayeen dad shacab ah, waxaa ku xigay kii shalay, ma han wax caqliga saliimka ah haddii uu fakaro aan macquul aheyn, waxay ila muuqataa in wax badan ay qaldan yihiin aniga waxaan ku baaqi lahaa in wax labadalo” ayuu yiri Xildhibaanka.




From the comments