Bangiga Adduunka ayaa saadaaliyay in ascaarta shidaalka dunida uu sare u kici doono sanadka soo socda ee 2018ka
Waxa uu sheegay Bangigu in qiimaha halkii barmiil ama fuusto uu gaari doono 53 doolar sanadka soo socda. Waxaana uu Bangiga arrintaasi u sababeeyay dalabka shidaalka dunida oo isasoo taraya iyo go’aanka soo saarista shidaalka lagu dhimayo ee ay qaateen dowladaha ku bahoobay OPEC.
Waxa uu intaasi sii raaciyay Bangiga oo warbaxin ka soo saaray sheekadaan in sidoo kale dhammaan qeybaha kale ee tamarta sida gaaska dabiiciga ah ay sare u kici doonaan 4%.




From the comments