U bood dhigaalka

Wasiir Bayle Oo Maanta Hortagay Xildhibaannada Golaha Shacabka

Sheeko:War

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabadiraxmaan Ducaae Bayle ayaa maanta hortagay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo xildhibaannada ka hor akhriyey Hindise Sharciyeedka hab maamulka maaliyadda oo wasaaraddiisu diyaarisay.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay dalka, isaga oo rajo ka muujiyey in xildhibaannadu ay meelmariyaan.

Waxa uu tilmaamay wasiir Bayle in sharcigaan ay ku xusan yihiin xuquuq badan oo shaqaalaha rayidka iyo kuwa kale ee dowladuba ah.

“Mudane gudoomiye sharcigaan waa midka hagi doona maaliyadda dalkeenna, waxa gudaha kasoo baxa iyo waxa dibadda kasoo baxa, waxa uu xoojinayaa qawaaniinta maaliyadeed ee aynu leenahay oo ugu horreeyo sharciga Lambar 2 ee soo baxay December 9 1961 iyo sharciga 317 oo soo baxay December 1962, wuxuu sharcigaan xoojinayaa maaliyadda iyo maamulkeeda, wuxuu sharcigaan qeexayaan awoodaha dadka ka shaqeeya maaliyadda haddii ay tahay baarlamaanka oo shacabka matalaya iyo dowladda qeybaheeda kala duwan, wuxuu qeexayaa wasiirka arrimahiisa iyo mas’uuliyaddiisa, wuxuu qeexayaa shaqaalaha idman iyo shaqada ay qabanaay, wuxuu qeexayaa dadka kale ee faraha badan kana shaqeeya maaliyadda, wuxuu ka hadlayaa maamulka lacagta iyo qorsheyaasha” ayuu yiri wasiirka.

Wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa waddey muddooyinkaan dambe dedaallo badan oo lagu hagaajinayo hannaanka maaliyadda ee dalka.

Goobjoog News