Waxgaradka 135-ka ah ee soo xulay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen arrimo badan oo ku aadan xaaladda dalka.
Waxgaradkaan oo soo saaray war-saxaafadeed ka kooban Sagaal qodob ayaa ugu horreyn waxay tacsi ka direen shacabkii ku dhintey qaraxyadii magaalada Muqdisho ka dhacay 14-kii iyo 28-kii October.
Xubnahan ayaa soo dhoweeyay dedaalka uu wado madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kulanka uu isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.







From the comments