Waxaa maanta lagu wadaa in aqalka sare uu ka dhaco kulan muhiim ah oo ay ka soo qeyb-galayaan 5ta hoggaamiye ee ugu sareeya maamul goboleedyada federaalka ah ee Soomaaliya.
Aqalka sare oo matalaa dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka waxaa uu qeyb libaax leh ka qaatay xallinta khilaafaadka dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada, isaga oo xubno ka tirsan ay Cadaado tageen kadib dood dheer uga yeeshay gudaha aqalka, guddina u saaray.
Lama oga, waxa ay ka wada hadli-doonaan, Laakin tillaabadan waxaa ay sii xoojin-doontaa xiriirka aqalka sare iyo dowlad goboleedyada federaalka ah ee Soomaaliya




From the comments