Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah ay ku shiraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waana shirkoodii Todobaadlaha ahaa.
Arbacadii shalay waxaa magaalada Baydhabo gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyadoo maantana magaaladaasi tagayaan Ra’iisul wasaare Kheyre iyo golahiisa wasiirada.
Kulanka maanta ee golaha wasiirada ku yeelanayaan magaalada Baydhabo waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan ammaanka guud ee dalka iyo arrimo kale oo muhiim ah.




From the comments