Akhriso: Miisaaniyadda 2018-ka, Canshuuraha Iyo Deeqaha Laga Filayo Dalalka Turkiga, Sacuudiga iyo Qatar
Wasiirka maaliyadda ee dowladda federaalka ah Xil. Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa maanta golaha shacabka hor-geeyay miisaaniyadda 2018-ka.
Miisaaniyadda 2017-ka waxaa ay aheyd $245.9 Milyan balse middan cusub waxaa lagu sameeyay isbadal yar.
Wadarta Miisaaniyadda La Qoon-deeyay:
Miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si ay u meel-mariso hawlaha u qorsheysan sanad miisaaniyadeedka ka bilaabanaya 1-da Janaayo 2018 kuna dhamaada 31, December 2018 ayaa si hoos ku qoran loo qoondeeyay dakhliga khasanadda iyo lacagaha kale ee dowladda, sida lagu qeexay jadwal-kan.
Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan rasumaalka wa sidan:
(B) Kharash-ka joogtada ah: US$ 260,171,727
(T) Kharashka Raasumaalka: US$ 14,458,464
Wadarta Guud: US$ 274,630,191
Haddii ay timaado hoos u dhac kharashaadka ah, waxaa mudnaanta la siin-doonaa:
- Raashiinka iyo Gunnooyinka ciidamada qalabka sida
- Khidmadda maaliyaddu ku shaqeyso(Banka iyo Gobolka)
- Mushaarooyinka/Gunooyinka shaqaalaha rayidka ah
- Gunnada Xildhibaannada iyo G/Wasiirada
- Mushaaraadka iyo Gunnooyinka gashibaxa ku jira ee ka soo wareegay sanadkii hore
- Adeegga iyo Agabka xafiisyada dowladda qaranka iyo gobollada
- Gashibaxa alaabta iyo qaamaha la hormarsaday
Qeybta Laga Qaadayo Canshuurta shaqaalaha dowladda
0-200 dadka dakhligooda yahay waa 0 ama waxba lagama rabo.
201-800: waxaa laga rabaa: 6%
801-1,500 waxaa laga qaadayaa: 12%
1501 iyo wixii ka sareeyay: 18%
Canshuuraha kale:
Qaadka: 2.5 per kg
Noocyada Tobacco: $6 iyo midda magaadka $4, Sigaarka royal iyo Sports: $22, sigaar Benson $24.
Bansiin iyo Gaas: $56.25, Naafto MT $50.00, Fuusto Bansiin: $12.50 iyo Fuusto Naafto, Gaas: $11.25
Canshuuraha soo degayaasha iyo dhoofayaasha: $30
Canshuurta Hotellada Muqdisho: 5% adeegga ay bixiyaan.
Canshuurta iibka isgaarsiinta, Korontada iyo Biyaha: dhammaan shirkadaha isgaarsiinta, korontada iyo biyaha waxaa waajib ah in ay bixiyaan canshuurta iibka sida tacrifada ku cad jaantuska hoose
Isgaarsiinta: 15%, Korontada: 5%, Biyaha: 5% iyo Internetka iyo TVyada: 5%
Deeqaha ay Dowladda fileyso:
Dowladda Turkiga oo sanadka laga helay 28,,105,332 waxaa laga filayaa sanadka 2018-da illaa 20,000,000
Dalka Sacuudiga oo sanadkan waxba aan bixin sida miisaaniyadda ku qoran waxaa laga filayaa sanadka 2018-dda illaa 32,360,000,
Dalka Qatar waxaa sanadkan ay bixiyeen 10,000,000 isla 10-kaas Milyan ayaa laga filayaa sanadka soo socda.
Goobjoog News
Qoraalkan waa mid u gaar ah, Goobjoog News