Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu xidhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horgeynayaa miisaaniyadda dowladda ee 2018.
Wasiir Bayle ayaa sheegay in sharaf weyn u tahay in uu dhameystiro diyaarinta miisaaniyadda dowladda ee 2018, diyaarna u yihiin iney kor u qaadaan dakhliga.
“Waxaa sharaf ii ah in aan Miisaaniyadda 2018-ka aan dhamaystiro diyaarinteeda, taasi oo maanta aan ka hor jeedinayo Baarlamaanka JFS. Waxaan diyaar u nahay in aan Dhakhliga kor u qaadno oo aan si daah furan u shaqeyno” ayuu yiri wasiirka.




From the comments