Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu golaha shacabka horgeeyo Hindise sharciyeedyada la dagaalanka argagaxisada iyo xakameynta hubka wax dilo oo ay soo diyaarisay wasaaraddiisa.
Waxa uu wasiir Islow uu xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka hor akhrin doonaa Labadan hindise sharciyeed.
Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u meelmariyey Labadan Sharci, waxaana golaha shacabka iyaguna laga doonayaa markii ay dhameeyaan akhrintiisa iney codka u qaadaan.




From the comments