Xildhibaannada Golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay kulan ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho, sida xalay lagu soo wargeliyey xildhibaannada.
Ajendaha golaha shacabka ayaa maanta ah Labo qodob, waxaana qodobka ugu horreeya yahay ansixinta xubin cusub oo kamid noqoneysa guddiga madaxa banaan ee hirgelinta Dastuurka.
Sidoo kale xildhibaannada ayaa waxaa la filayaa in loo qeybiyo wax ka bedalka xeer hoosaadka golaha shacabka, iyadoo intaasi kadibna ay ka doodi doonaan.




From the comments