Kulanka golaha shacabka ee maanta waxaa uu ajendihiisa ahaa qeybinta iyo akhrinta Qorshe howleedka guddiyada Golaha Shacabka.
Guddi walba waxaa uu golaha ka hor jeediyay qorshe hawleedka golaha loo qeybiyay iyo qeybta guddigiisa ka quseysa.
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari, ayaa sheegay in maadaamaa kalfadhigii koowaad Mudanayaasha golaha shacabka uu uga dhammaaday dhisida hay’addaha dowladda ay guddiyada joogtada ah kalfadhigan dadaal geliyeen sameynta qorshayaashii ay ku howlgeli lahaayeen.




From the comments