Waxaa Sharaf ii ah inaan si guul ah u soo gabagabayno barnaamijka SMP ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo nagu toosinaya jidkii deymaha na looga cafin lahaa.Waan sii xoojinaynaa dadaalkeena si aan dalka iyo dadka u horumarino” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle oo sheegay in ay rajo aad u wanaagsan ka qabaan in si dhaqso leh dowladda Deymaha looga cafiyo, wuxuuna intaas ku daray intii badnayn shuruudihii laga rabay dowladda ay buuxiyeen.
“Dowladda Shuruudo badan oo aasaas u ah in deymaha laga cafiyo way buuxisay, hase yeeshee waxaa jira qodob aad muhiim u ah oo aysan weli fulin kaas oo ah in ay marka hore bixiso deymaha sharciga ah ee dowladda looga leeyahay Gudaha dalka, intooda badanna waxaa ku leh ganacsato shacab ah”, ayuu yiri ganacasade ka mid ah kuwa dowladda ku leh deymaha oo sheegay in haddii aysan dowladda si dhaqso leh ku bixin deymahaas ay waxba dhaammi doonin dowladihii ka horreeyay oo ahaa buu yiri kuwa caddaaladda ka arradan.
“Aad baan u soo dhoweynayaa in Soomaaliya ay ku guuleysatay in caalamku ku qanco hannaanka maamulka maaliyadda dalka kaasi oo xiliggan lagu maamulo nidaam leh daah-furnaan oo haddii shuruudaha inta dhimman la dhammaystiro keeni karta in dalka laga cafiyo deymaha mashaariic dalka waxtar u lehna laga fuliyo” ayuu yiri Guddoomiyihii Shirkadda Rajo Construction C/casiis Max’ed Xasan (Dhagaweyne) oo sheegay in ay rajo aad u wanaagsan ka qabaan in dowladda ay si dhaqso leh uga helaan Magdhowgooda muddada 4-ta sano ku dhow kaga maqan.




From the comments