Iyada oo la tixraacayo qodobka 87aad faqradiisa C oo dhigeysa in madaxweyna J.F yahay Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka ayey guddiga joogtada ah ee aqalka sare waxaa ay kulan deg-deg ah la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyaga oo kala hadlay anisixinta miisaaniyadda 2018-ka.
Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa ay dawco ka yihiin golaha shacabka oo miisaaniyadda 2018-ka la garab maray golaha aqalka sare, iyada oo ansixinta kadib u gudbiyay madaxweynaha si uu u saxiixo.
Senator Xuseen Sheekh Maxamud oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in aqalka sare ay xaq-u-leeyihiin in la soo mariyo miisaaniyadda iyo dhammaan sharciyada ka soo gudba golaha shacabka, isaga oo intaasi raaciyay in dhibaatada jirta ay abuureen golaha shacabka oo hor-istaag ku sameeyay in miisaaniyadda la geeyo aqalka sare iyaga doonaya in awoodihii sharci-dejinta ee aqalka sare la wareegaan.




From the comments