Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ay go’aamiyeen eedeynta Xeer-ilaaliyaha in ay tahay mid waxba kama jiraan ah.
“Go’aankii shalay ee guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ay gaareen runtii waxaa uu ahaa baarlamaanka waxaa uu leeyahay nidaam sharci iyo qaab uu ku galo ayaa jirta, maalintii la keenay illaa iyo hadda waxay ka baaraan degayeen qaabkii ay u eegi lahaayeen oo ay u fiirin lahaayeen . Go’aankan waxaa waaye eedeyntii meeshaas tiilay wax aan ka qaadano oo meel la tagno wax aan meel geysanno ma heysanno, guud ahaan waxaa loo arkaa inay iska aheyd eedeyn siyaasadeed oo sal iyo raad toona aan laheyn”.
Xildhibaan Xasan Macallin waxaa uu sidoo kale ka Hadley in ay dhammaatay xilligii xabadda oo la aadayo jidka siyaasadda“Waxaan u maleynaa go’aankaan hadda guddiga joogtada ah ee baarlamaanka uu soo saaray inuu wadadii saxda aheyd uu lugta u saari doono, arimahaana meelihii ay lahaayeen waa siyaasadeed, siyaasad la aadi doono oo aysan jiri doonin wax la yiraahdo xabad xarig iyo xoog isku sheegasho inaysan jiri doonin ee la aadi doono jidkii siyaasadda”




From the comments