Senator Xuseen Sheekh Maxamud Xuseen oo Wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dalalka labada aqal leh caalamka ay miisaaniyadda wada marto, oo 2bada aqal saxiixaan.
Senator Xuseen oo arrinkan ka hadlaya waxaa uu yi“Asal macno ahaan miisaaniyadda waa qorshihii dadka xukunka haya ay ugu badalayeen ficil, aduunyada leh labada aqal ee fedaraalka ah wadamadooda intooda badan labada aqalba waa aay martaa miisaaniyadda, si loo sameeyo dharaandhirin haday qeylo soo yeerto waa meeshii lagu dharaandhirin lahaa”
Senatorka waxaa uu sidoo kale ka hadlay sida dalalka ugu kala duwan yihiin ansixinta miisaaniyadda ee labada aqal “Iyada oo saas ay tahay ayaa hadana miisaaniyadda waxaa ay ka mid tahay sharuucda wadamo badan ayaa jira oo isla ansixiya waxaa jira wadamo kale oo aqalka sare uusan ansixinin balse uu aragti ku leeyahay aragti ayuu ka dhiibanaa dood ayuu soo sameynaa dooda uu soo sameeyana sideeda iyada oo ah ayaa golaha shacabka loo gudbinaa, wadamo badan ayaa jira oo sidaas ah balse inta badan waa aay isla ansixiyaan”




From the comments