Guddoonka Golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ka gaaray cidda awoodda u leh ka go’aan gaarista maqaamka magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka golaha shacabka ayaa lagu sheegay in ugu horreyn ay muhiim tahay in si wadajir ah looga hortago wax walbo oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed iyo khilaafaad dastuuri ah oo dib u dhac kale ku keeni kara habsami u socodka howlaha horyaalla goleyaasha iyo xafiisyada dastuuriga ah.
Ka go’aan gaarista maqaamka caasimadda ayaa qoraalkan lagu sheegay in loo raacayo sida uu dhigayo qoidobka 9-aad ee Dastuurka.





From the comments