Xildhibaan ka tirsan gollaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in qodobada kasoo baxay shirkii golaha amniga qaranka ay yihiin kuwa lagu hareermaray Shaqadii Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in sharci darro ay tahay in madaxda federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah federaalka kulamada ay yeelanayaan oo qodobada inta ay ka soo saaraan aan baarlamaanka la soo marsiinin.
Xildhibaanku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay mudan yihiin in lasoo marsiiyo qodobada ka soo baxa shirarkaasi.




From the comments