Guddiga Maaliyadda, Iyo Miisaaniyadda iyo Guddiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ayaa kulan ay maanta ka yeesheen cabashada ganacsatada iyo xirnaashiyaha dekadda iyo suuqa bakaaraha uga hadlay aragtida iyo habraaca canshuurta gadista ee dhalisay khilaafka wasaaradda maaliyadda iyo ganacsatada, iyaga oo falanqeyn dheer kadib soo jeediyay:
1. In canshuurta gadista 5% ee ay wasaaradda maaliyadda amartay in dekadda lagu qaado, lagana qaado soo dejiyaha in aysan shari aheyn, waxaana labada guddi u soo jeedinayaan wasaaradda in canshuurta gedista lagu qaado goobaha loogu talo-galay, sharcigana uu asteeyay, lagana qaado iibsadaha ay ku waajibtay sida sharciga qabo.
2. In wasaaradda maaliyadda horkeento shuruucda maaliyadda oo tifaftiran isuna dheelitiran ugu dambeyn 30 April, 2018-ka, sida ku cad qodobka 4aad ee qaraarkii golaha shacabka ee ku xusan xeerka miisaaniyadda 2018-ka.




From the comments